9 October 2012

Gabaygii Gocasho ee Max'ed C/lahi Weyrax

Gabyaa ma ihiye waxbaan gocanayaaye guubaabo iyo hadaadan helin gacan togaaleysi geesikastood aheyd waxbaa kaa gaasire gobanimo waa adoo gayigaaga ku gaardiyee gumeysi iyo guulgulna kama baxdid hadaad qaxooti tahaye gardarro iyo waxaad ehel u tahay kuwa aan gacal kuu galine gobna matihid intaad gacan shisheeye garaan kasiye gun iyo waxaad gacanta u gashay gaal aan gudneyne ciil gaamuraybaan gocanayaaye gabyaa ma ihiye aan soo gabagabeeyo gabayga waxba yaanan xadhko goosanine Gunaanadna waxaan uga dhigayaa soomaaliyeey u gurmada gambaleydii aad gablamiseen iyo gabanadii go'doomee gaalada ugalay iyo guud ahaan goboladii dalkeenee kala googo'ayee guntu u tashatay guushana gaadha oo isgarabsada soomaaliyeey gacal baad tihiine. lasoco qeybaha dambe insha allah. By weyrax

1 comment: